Nin la sheegay inuu dil iyo dhaawac u geystay gabdho walaalo ah oo la soo qabatay.

Nin la sheegay inuu dil iyo dhaawac u geystay gabdho walaalo ah oo la soo qabatay.

daajis.com:- Ciidamadda booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney ku guuleysteen soo qabashada nin gacan ku dhiigle ah, kaasoo todobaadkan degmada Kaaraan ku dilay haweeney, halka uu dhaawacay mid kale.

Qofka la soo qabtay oo lagu magacaabo Muxudiin Maxamuud ayaa la sheegay inuu Talaadadii todobaadkan weerar uu u adeegsaday Mindi/Tooreey uu ku dilay Ruqiya Sheekh Axmed Cali, halka uu dhaawac u geystay walaasheed Xaliimo Xaaji Axmed, isagoo falkaasi kadibna isaga caray magaalada Muqdisho.

Taliyaha booliska qeybta Bari ee gobolka Banaadir Cali Calasoow Goofjooge oo warbaahinta u soo bandhigay ninka ku eedeysan weerarka ayaa sheegay iney ka soo qabteen meel ka baxsan magaaladda Muqdisho oo uu u baxsaday falka kadib, taliyuhu ma sheegin goobta ay ka soo qabteen.

Halka lagu hayo ninkan eedeysanaha ah waxaa joogay waalidiinta qoyska dhibka loo geystay, kuwaasoo booliska gobolka Banaadir uga mahadceliyay soo qabashada ninkan, iyagoo ka dalbaday in cadaalada loo horgeeyo.



Degmada Kaaraan oo kamid ah meelaha ugu daran ee ka dilaaceen burcadda dhaca geysata iyo Ciyaal weerada ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa howlgalo is daba joog ah ka waday ciidamadda amaanka ee qeybta bari, iyadoo maalmahan ay aad u yaraadeen dhibaatooyinkii dilka, dhaawaca iyo dhaca isugu jiray ee sida joogtada ah looga soo warin jiray.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada