Burcad dhac geysatay iyagoo askar iska dhigaya oo Muqdisho lagu qabtay.

Burcad dhac geysatay iyagoo askar iska dhigaya oo Muqdisho lagu qabtay.

daajis.com:- Ciidamadda booliska gobolka Banaadir ayaa ku guukeystay iney gacanta ku soo dhigaan Gaari kuwa raaxada ah oo xaafadda Daalo ee degmada Howl wadaag looga dhacay dad shacab ah 22-bishii la soo dhaafay, waxaa sidoo kale la soo qabtay raggii dhacay oo daba gal badan kadib gacanta lagu soo dhigay .

Taliyana booliska degmada Howlwadaag Najiib Carab ayaa wariyayaasha u sheegay in ragga dhaca geystay ay iska dhigeen ciidamadda booliska ee barta Kontrol ku leh aagga Daalo, iyagoo muwaadinka gaarigaasi watayna u sheegay inuu gaariga isaga dago, sidaasna ay ku qaateen.

Wuxuu tilmaamay in baaris dheer kadib ay heleen xog sheegeysa in gaarigaasi lagu hayo guri ku yaala xaafaddo buula maaxaay ee degmada kaaraan, macluumaad ay is weydaarsadeen booliska qeybta barina ay sabab u noqotay in gacanta lagu soo dhigo gaariga iyo ragii kaxeystay.

Taliyaha qabta Bari Cali Goofjooge ayaa isaguna sheegay in Muqdisho ay ku yaalaan guryo lagu keydiyo agabka la soo dhoco, isagoo si cad u sheegay in arrintaasi ay tahay iney ka feejignaadaan dadka iskaleh guryahaasi, wuxuuna ku hanjabay in dowladda ay la wareegi doonto gurigii lagu helo falkaasi oo kale.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada