DEG DEG: Tigrayga oo qabsaday magaalo muhiim ah iyo Abiy oo taageero raadin u baxay

DEG DEG: Tigrayga oo qabsaday magaalo muhiim ah iyo Abiy oo taageero raadin u baxay

daajis.com:- Dagaalka ka socda waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sii xoogeystay kadib markii uu dib u qarxay Arbacadii, waxaana guuldarrooyin culus la gaarsiiyey ciidamada dowladda federaalka Abiy Ahmed.

Ciidamada Tigray ee loo yaqaan TDF ayaa laba maalmood gudahood ku qabsaday magaaladii saddexaad, ayaga oo kusii siqaya gudaha gobolka Amxaarada oo ay ka dagaalamaan maleeshiyo taageersan dowladda iyo ciidamada dowladda oo iskaashanaya.

Maalin kadib markii ay qabsadeen magaalada Kobo, Tigrayga ayaa sidoo kale xalay qabsaday magaalooyinka Robit iyo Woldia. Saddexda magaalaba waxay ka tirsan yihiin gobolka Amxaarada.

Magaalada Robit, ma ahan magaalo muhiim ah, oo waa magaalo yar oo u dhaxeysa Kobo iyo Woldia, hase yeeshee Abiy Ahmed ayaa waxaa walaacin doona qabsashada magaalada muhiimka ah ee Woldia, oo hadda u gacan gashay Tigray-ga. 

Kobo iyo Woldia waxay isku jiraan 50km, taasi oo ka dhigan in laba maalmood gudahood ay Tigrayga soo jareen dhul baaxad weyn.

Fallanqeeyayaasha arrimaha militariga ayaa ka yaaban sida fudud ee ciidanka dowladda federaalka Itoobiya cagta loo marinayo. 

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku sugan dalka Algeria, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu kaalmo militari weydiisan doono dowladda dalkaas. Algeria waa dalka labaad ugu militari awoodda badan Afrika. 


Tiro dad oo aan si rasmi ah loo ogeyn ayaa ku dhintay dagaalka gobolka Tigray tan iyo markii uu billowday bishii November ee 2020.  

Xabad-joojin la gaaray bishii March ayaa hakisay dhiiggii qubanayey, taasi oo ogolaatay in si tartiib ah gargaar loo gaarsiiyo gobolka oo QM ay sheegtay in malaayiin qof ay halis ugu jiraan macluul. 

Tan iyo dhammaankii June, dowladda Abiy iyo mucaaradka ayaa dhowr mar sheegay inay doonayaan inay galaan wadahadallo nabadeed balse waxay isku raaci waayeen qodobada wadahadalladaas. 

Arbacadiina, dagaal cusub ayaa ka qarxay koonfurta bari ee xuduudda gobolka Tigray, meel u dhow gobollada Amhara iyo Cafar, ayada oo labada dhinacna uu midba midka kale ku eedeeyey inuu riday xabadda koowaad. 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada