Hoggaamiyihii Al-Qacida Ayman al-Zawahiri oo la dilay from Caasimada

Hoggaamiyihii Al-Qacida Ayman al-Zawahiri oo la dilay from Caasimada

daajis.com:-  Hoggaamiyihii Al-Qacida Ayman al-Zawahiri ayaa lagu dilay weerar drone ah oo ay fulisay CIA-da Mareykanka, waxaa sidaas shaaca ka qaaday saraakiil Mareykan ah. 

Zawahiri, oo ah dhaqtar qalliin oo Masri ah, ayaa gacan ka gaystay isku xirikii weeraradii September 11, 2001 lagu qaaday dalka Mareykanka.

Weeraradaas ayaa lagu afduubtay afar diyaarad oo rayid ah kadibna lagu weeraray daarihii mataanaha ee Xaruntii Ganacsiga Adduunka ee New York, xarunta Pentagon-ka iyo goob maran oo ku taalla gobolka Pennsylvania, waxaana lagu dilay 3,000 oo qof.

Sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Reuters sheegay in weerarka Drone-ka ah ay CIA-da ka fulisay magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistan, Axaddii.

“Axaddii, Mareykanka wuxuu fuliyey weerar ka hortag argagixiso oo ka dhan ah bartilmaameed muhiim ah oo ka tirsan Al-Qacida, weerarkaas oo ka dhacay Afghanistan,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan maamulka madaxweyne Joe Biden.

“Howlgalka wuxuu ahaa mid guul leh, mana jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay,” ayuu ku daray. 




Weerarka CIA-da ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan haddii kooxda Taalibaan ay gabbaad siisay Ayman Al-Zawahiri kadib markii ay la wareegtay gacan ku haynta Kabul bishii August 2021. 

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey in weerarka uu dhacay, wuxuuna u cambaareeyey si xooggan, isaga oo ugu yeeray xadgudub ka dhan ah “mabaadi’da caalamiga ah.”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad, ayaa geerida Zawihiri ku tilmaamay “cadaaladda oo la fuliyey.”

Qarax xooggan ayaa saacadihii hore ee Axaddii laga maqlay Kabul. 

“Guri ku yaalla xaafadda Sherpoor ayaa waxaa ku dhacay gantaal culus. Wax khasaare ah kama dhalan weerarka maadaama guriga aysan cidna ku sugneyn,” waxaa sidaas goor hore sheegay Abdul Nafi Takor oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha dowladdaTaalibaan.

Geerida Al-Zawahiri ayaa imaneysa 11 sano kadib markii Mareykanka ay weerar ka dhacay dalka Pakistan ku dileen hoggaamiyihii hore ee Al-Qacida Osama bin laden, markaasi oo kadib Zawahiri uu la wareegay hoggaanka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada