Wasiirada cusub oo ku sugan xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo xogta xubnaha ku jira.

Wasiirada cusub oo ku sugan xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo xogta xubnaha ku jira.

daajis.com:- Wasiirada magacaaban ee xalay la sii wargeliyay ayaa saaka looga yeeray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay goobjoog uga noqdaan Munaasabadda ku dhawaaqidda Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Golaha Wasiirada la magacaabayo ayaa ah 25 Wasiir, halka Xukuumaddii hore aheyd 26 Wasiir.

Waxaa gebi ahaanba la baabi’iyay Wasaaraddii Gargaarka iyo Musiibooyinka, halka Wasaaradda Dastuurka oo horay gooni u taagneyd lagu daray Wasaaradda Cadaaladda. Waxaa Golaha lagu soo kordhiyay Wasaarad cusub oo ah Wasaaradda Bey’adda iyo Is bedelka Cimilada.

Qorshaha oo ahaa in shalay gelinka danbe ilaa xalay in lagu dhawaaqo wasiirada ayaa dib u dhacdday, tabashooyin yar oo jiray darteed, waxaana ka filayaa in lagu dhawaaqo saacadaha soo socdo, sida xogaha ay muujinayaan.


Marka la soo magacaabo wasiirada, waxey xafiisyada madaxweynaha iyo kan ra’iisul wasaaraha dadaal badan galin doonaan sidii loo marsiin lagaa golaha shacabka, waxaa jira warar sheegaya in gudoomiyaha golaha shacabka aanu ku qanacsaneyn habka loo soo xulay wasiiradan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada