Senate-ka Maraykanka oo ansixiyey xubinimada Sweden iyo Finland ee NATO

Senate-ka Maraykanka oo ansixiyey xubinimada Sweden iyo Finland ee NATO

daajis.com:- Aqalka Senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa ansixiyey xubinimada dalalka Sweden iyo Finland ee gaashaanbuurta NATO, waxaana codsiga ku biiritaanka labadan dal oggolaaday 95 mudane, halka uu diiday hal xildhibaan.

Tallaabadan ayaa diraysa fariin adag oo muujinaysa sida labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadigu uga midaysan yihiin siyaasadda ku aaddan ku biirista labadan dal iyo weliba in laga hortago dullaanka Ruushka.

"Codka NATO waa cod aad muhiim ugu ah amniga dalka Maraykanka iyo xasiloonida guud ee caalamka oo dhan, sidaas awgeed xubinimada Finland iyo Sweden waxay sii xoojinaysaa gaashaanbuurta NATO, taasoo ah ka hortag degdeg ah oo ku aaddan daandaansiga Ruushka iyo weliba duullaanka uu ku qaaday Ukraine" sidaas waxaa yidhi hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha Senate-ka Chuch Schumer.


Maraykanku waa mid ka mid ah 30-ka dal ee xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO ee ku qasban inay ansixiyaan xubinimada dalalka Sweden iyo Finland. Isbahaysigan ayaa dammaanad qaaday amniga Yurub, 70-kii sano ee ugu dambeeyey.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada