Maraykanka oo $127 million oo dollar oo cusub ugu deeqay qaaradda Afrika

Maraykanka oo $127 million oo dollar oo cusub ugu deeqay qaaradda Afrika

daajis.com:- Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in sare u kaca ku yimi cuntada adduunku, inuu si aad u daran u saameeyey dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, iyada oo sare u kaca qiimaha cuntada uu sababay duullaankii uu dalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

"Qiimaha cunnada ee dunidu wuxuu 23% ka sarreeyaa qiimihii uu joogay sannad ka hor, laakiin sare u kacaasi wuxuu si xun ugu dhuftay ama looga dareemay dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, waxaana qiimaha cuntada lagu iibsado ay sare u kacday illaa 40%” ayay tidhi danjire Linda Thomas-Greenfield oo ah ergeyga dawladda Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Ghana.

Thomas-Greenfield inkasta oo ay tahay ergeyga dawladda Maraykanka u jooga Qaramada Midoobay, haddana sidoo kale waa xubin ka tirsan Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Joe Biden, waxay safar qaadanaya afar maalmood ay ku joogtaa qaaradda Afrika, iyada oo booqanaysa dalalka Uganda, Ghana, iyo Cabo Verde. Inta ay ku jirto booqashadeeda, waxaa la filayaa inay kulamadeeda diiradda ku saarto saameynta cunnada ee dunida iyo amni darrada ka jirta qaaradda.

Lind Thomas-Greenfield ayaa ku nuuxnuuxsatay in ka hor inta aanu Ruushka, oo ah soo saaraha ugu weyn ee sarreenka, saliidda iyo khudradda dunida, aanu weerarka ku qaadin dalka Ukraine, in isla xilligaasba ay illaa 190 million oo qof ay la daalaa dhacayeen cunto yari soo foodsaartay oo ka dhalatay xanuunkii safmareenka ahaa ee COVID19.

Danjire Linda ayaa sheegtay in haatan la filayo in dadka cunto yaridu ku hayso dunida inay kor u dhaafto illaa 230 million oo qof, taasoo ka dhigan in duullaanka Ruushka ee Ukraine inuu tirada dadka saboolka ah ee aan cuntada haysan ku sii kordhiyey illaa 40 milion oo qof oo dheeraada.

Danjiraha ayaa intii ay joogtay dalka Ghana waxay ku yaboohday in ka badan $127 milyan oo gargaar bini’aadanimo ah oo loogu deeqayo qaaradda Afrika, taasoo diiradda lagu saarayo in lagu taageero arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.


Intii ay joogtay Accra, waxay ku dhawaaqday in ka badan $127 milyan oo gargaar bini'aadantinimo oo cusub oo Afrika ah, oo diiradda lagu saarayo qaxootiga iyo barakacayaasha.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada