Saraakiil lagu laayay Ismiidaamintii xerada Gorgor iyo Shabaab oo ka hadashay.

Saraakiil lagu laayay Ismiidaamintii xerada Gorgor iyo Shabaab oo ka hadashay.

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari xamuul ah, kaasoo shalay lagu qaaday xero ciidamadda Gorgor ay ku leeyihiin deeganka Kalabeyr ee duleedka magaalada Beledweyn.

Ilo xog-ogaal ah waxey sheegeen in qaraxaasi lagu dilay askar iyo saraakiil xerada ku sugneyd, waxaana jiro dhaawacyo farabadan, kuwaasoo qaarkood loo soo qaaday magaalada Muqdisho, maadaama xaaladooda ay eheyd mid aad u adag.

Wararka la helayo waxey tilmaamayaan in ilaa 5 ruux oo askar iyo saraakiil isugu jirta ay ku geeriyoodeen weerarka, halka ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo kale, iyadoo qaraxaasi la sheegay inuu ahaa mid kamida kuwii ugu waaweynaa ee ka dhaca gobolka Hiiraan.

Dhinaca kalena, Kooxda Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada, ayaa tilmaamtay iney ku dishay 19 askari, kuna dhaawacday 23 kale. Si madax banana looma xaqiijin karo sheegashada Al-Shabaab.


Deegaanka Kalabeyr oo ah halka qaraxa uu ka dhacay waxey 20KM dhinaca Waqooyi u jirtaa Beledweyn, waana meel Istiraatiiji ah, waxaana ka baxa Saddex wado oo midi aada Feer Feer, mid kale oo aada gobolada Dhexe iyo wado soo aada magaalada Beledweyn.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada