Mareykanka oo soo dhaweeyay ansixinta Golaha Wasiirada

Mareykanka oo soo dhaweeyay ansixinta Golaha Wasiirada

daajis.com:- Mareykanka ayaa soo dhaweeyay anixinta xukuumadda cusub ee Soomaaliya, waxaana safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay hambalyo ku aaddan ansixinta Golaha Wasiiradda u dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'isul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

"Waxaan ugu hambalyeyneynaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre anixinta golaha wasiirada. Mareykanku waxa uu aad u danaynayaa inuu sii wadno ka qaybgalkayaga taageerida soo noolaynta Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo lagu daabacay Twitter-ka safaaradda.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor hore oo maanta ah ansixiyay golaha wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay Ra'isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, kadib kulankii Golaha Shacabka, iyada oo 229 xildhibaan ay kalsoonida siiyeen xukuumadda cusub.

Toddoba xubnood ayaa diiday golaha, halka hal mudane uu ka aamusay.

Codbixintan ayaa ka dhigan in golaha cusub ee wasiirradu ay xilkooda la wareegaan isla markaana gudagalaan howsha loo igmaday.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada