XOG: Agaasime NISA oo shaqada ka eryey saraakiishii ugu muhiimsaneyd

XOG: Agaasime NISA oo shaqada ka eryey saraakiishii ugu muhiimsaneyd

daajis.com:- Agaasimaha Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa muddo ka yar seddex bilood waxa markii 2-aad sameeyey Isbedelo dhinaca shaqada ah.

Agaasime Mahad waxa uu Madax waaxeedyada hoggaanka Hay’adda kusameeyey isbadel, iyadoo xilal laga qaaday isla xubno uu magacaabay dhawaan.

1- Taliska Hay’ada NISA ayaa waxay Hoggaanka Sirdoonka gudaha magacowday (Hada ayaa lasoo kordhiyey booskan, shaqadiisa ayaana noqon doonto basaasida isla gudaha Hay’ada).

2- Waxaa xilka laga qaaday Taliyihii Hoggaanka Sirdoonka arrimaha dibada

3- Sidoo kale Waxaa xilka laga xayuubiyey Madaxii Hoggaanka Xarunta Baarista

4- Waxaa xilka laga qaaday Taliyihii Hoggaanka Ladagaalanka Argagixisada

Shalay oo sabti aheyd, waxaa soo baxday in badankood xubnaha galabta xilka laga qaaday ay sii diyaarsadeen Istiqaalada shaqo kategista ah,hayeeshee isku dayo uu waday ilaa xalay madaxweyne xasan sheekh maxamuud ayaa umuuqda mid fashilmay si uu xal uga gaaro xiisada ka jirta Taliska Habar khadiijo dhexdiisa.

Agaasimaha NISA, Mahad Salaad ayaa kacarooday in macluumaadka gudaha iyo dhaqdhaqaaqiisa lasii ogaado,sidaa awgeedna uu ka shakiyey inay xogtiisa gudbin karaan xubnaha uu shaqada ka eryey.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada