Markabkii ugu horreeyey oo Gallay sida ayaa ka dhoofay dekedda dalka Ukraine

Markabkii ugu horreeyey oo Gallay sida ayaa ka dhoofay dekedda dalka Ukraine

daajis.com:- Dhoofinta sarreenka ayaa markale dib uga bilaabantay dekedda Odesa ee ku taalla dalka Ukraine maanta oo Isniin ahayd, waana tallaabadii ugu horraysay ee sarreen debedda loogu dhoofiyo tan iyo bishii February ee sannadkan, ka dib markii uu dalka Ruushku weerarka ku qaaday dalka Ukraine.

Markabka Razoni oo uu ka babanayo calanka dalka Sierra Leone ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ka dhoofa dekaddaas, wuxuuna siday in ka badan 26,000 oo ton oo galley ah, isaga oo ku sii jeeda dalka Lubnaan.

Bayaan ay soo saartay, wasaaradda difaaca ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in maraakiib kale oo aan la cayimini inay sidoo kale ka qaadi doonaan dekedda Odesa, sarreen, gallay iyo hadhuudh.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in Markabka Razoni “ay ku raran yihiin laba shay oo gabaabsi ah, kuwaas oo kala Gallay iyo weliba RAJO. "Waxaan maanta ku aragno dekedda Odesa waa bar bilow fiican oo muhiim ah. Waana inay noqotaa markii ugu horreysay ee maraakiib badan oo ganacsi oo gargaar sidaa ay ka dhoofaan dekeddaas si ay u horseedaan xasiloonida cuntada ee suuqyada caalamka” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Xoghayaha Guud ayaa sheegay inay muhiim tahay in la hubiyo in sarreenka, agabka bacriminta beeraha iyo cuntooyinka kale in lagaga iibiyo dalalka soo koraya qiime macquula.

Antonio Guterres ayaa sheegay in Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada Adduunku inay qorshaynayso inay dhowaan iibsato illaa 30,000 oo metric ton oo ah sarreenka laga soo saaro dalka Ukraine, taas oo ay daabuli doonaan maraakiib ay soo kiraysatay Qaramada Midoobay.


Turkiga iyo Qaramada Midoobay ayaa dhexdhexaadiyey dalalka Ruushka iyo Ukraine si ay heshiis uga gaadhaan in la dhoofiyo sarreenka, hadhuudhka iyo gallayda ku xannibnaa dekedda Odesa.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada