RW Xamse oo Muqdisho ka daah furay kulan wadareedka golaha wasiirrada.

RW Xamse oo Muqdisho ka daah furay kulan wadareedka golaha wasiirrada.

daajis.com:- Ra’iisul wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Muqdisho ka daah furay Kulan wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo soconaya muddo laba maalin ah ayaa lagu lafa-gurayaa howllaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Mr. Xamse oo faah faahinayay u jeedka kulankan ayaa tilmaamay in labada cisho la isaga wareysan doono qorshe howleedka golaha wasiirada, iyadoo lagu balami doono in la dhaqan galiyo qodobada laga soo saaro dhamaadka kulankan.

“Waxaa farxad iyo Sharaf ii ah inaan maanta daah-furay kulan wadareedka Golaha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah madal aan ugu talagalnay in aan kuso bandhigno qorshe howleedka Golaha iyo ujeedooyinka ay doonayso in aan xaqiijinno si aan wax uga qabanno baahiyaha bulshadeennu ladala-dhacayaan” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha dalka.

Si kastaba, Furitaanka kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada