Dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay qaar kamid ah shaqaalihii Hotelka Xayaat ee ka badbaaday weerarka.

Dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay qaar kamid ah shaqaalihii Hotelka Xayaat ee ka badbaaday weerarka.

daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay qaar kamid ah shaqaalaha Hoteelka Xayaat ee dagaaalamyaal ka tirsan Shabaab ay weerareen Jimcihii, iyagoo ka dhex dagaalamayay wax ka badan 30 saacadood.

Sida wararku sheegayaan, Shaqaalahan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 10 ruux ayaa isugu jira askar, Shaqaalaha cunada kariya iyo kuwa qeybiya ee loo yaqaano (Waiter), waxeyna ku xiran yihiin xarunta baarista danbiyada ee CID-da, halkaasoo ay ka socoto su’aalo weydiintooda.

Mid kamida saraakiisha hay’adaha amaanka ayaa inoo sheegay in shaqsiyaadkan xiran ay damaanad la’aan ka shaqeynayeen hoteelka, kuwaasoo aaney jirin wax xog ah oo laga qoray markii la shaqaaleysiinayay.

“Dhamaatood waa wada rag, waa la iska shaqaaleysiiyay wax damiin ah oo laga qoray malaha hadii ay danbi geystaan cid loo raacdo lama yaqaano, tuhun ah iney weerarka ku jireen ama wax ka ogaayeen ayaa loo heystaa” ayuu yiri mid kamida saraakiisha arrintan u xilsaaran oo magaciisa qariyay sababo amni darted.


Si kastaba, arrintan ayaa ku soo aadeysa xili saacadihii la soo dhaafay uu soo shaac baxay tuhunka ah in tirade dagaalamayaasha Shabaabka ee gudaha hoteelka ka dhex dagaalmayay ay kor u dhaafayaan ilaa iyo 4 ruux oo meydadkooda la arkay, waxaana saraakiisha qaar laga soo xigtay iney qabaan shaki ah in gudaha hoteelka rag ku jiray ay duulaankan qeyb ka ahaayeen, kuwaasoo haatan baaritaanadooda uu socdo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada