Shil Gaari ay ku dhinteen Ciidamo katirsan dowladda oo ka dhacay duleedka Magaalada jowhar

Shil Gaari ay ku dhinteen Ciidamo katirsan dowladda oo ka dhacay duleedka Magaalada jowhar

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya magaalada jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in shil ka dhacay duleedka magaaladaas ay ku dhinteen Askar ka tirsaneyd Millateri iyo Booliska Soomaaliya.

Shilka ayaa waxaa uu a dambeeyay kadib markii Askarta oo watay Gaari nooca dagaalka ah ee Cabdi Billaha loo yaqaano uu wadada ka baxxay, isla markaana uu ku dhacay kanaalka Kalundi ama Cali Shobare.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in shilka ay ku dhinteen Afar Askari oo isugu jira laba kamid ah kuwa Millateriga iyo laba katirsan Ciidamada Booliska, waxaana ciidamada ay ilaalo u ahaayeen Wasiirka Maaliyadda Maamulka Hir-Shabeelle.


Maamulka Hir-Shabeelle ayaan weli ka hadlin shilkaas, waxaana uu kusoo aadayaa xilli dhow jeer deaano kuyaalla duleedka magaalada jowhar ay ka dhaceen shilal gaari oo ay ku dhinteen dad Shacab aha.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada