Xasan Sheekh oo ballan-qaaday in la awood tiro Al-Shabaab

Xasan Sheekh oo ballan-qaaday in la awood tiro Al-Shabaab

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay ka go’an tahay in la awood-tiro Al-Shabaab lagana xoreeyo dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ku sheegay war-saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiskiisa kadib kulan uu la yeeshay saraakiisha guddiga amniga qaranka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ogyahay in shacabka Soomaaliyed ka daaleen tacsida, waxaana uu sheegay inuu ugu baaqayo dadweynaha inay isku diyaariyaan dagaal aan waxba lala harin oo ka dhan ah Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeedkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu billaabay diyaar garow tan iyo markii uu xilka qabtay kaasi oo ku aaddan xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada Al-Shabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabaddeenna, dowladnimadeenna iyo madaxbannaanideenna, ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.

“Waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna,” ayu yiri madaxweynaha.


Shirka guddiga amniga qaranka ayey ka soo qeyb-galeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Caddaaladda, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-sugidda, Lataliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka, halka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ay kaga qeyb galeen dhanka khadka, waxaana lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan weerarkii hotel Xayaat.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay 21 qof, waxaana ku dhaawacmay 117 qof oo kale.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada