SAWIRRO: Maxaa ku qoran dhambaalka Madaxweyne Xasan u diray Ururka Islaamka?

SAWIRRO: Maxaa ku qoran dhambaalka Madaxweyne Xasan u diray Ururka Islaamka?

daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal u diray Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka, Xuseen Ibraahim Dhaaha

Dhambaalka oo uu sidday Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha iyo Bani’aadanimada ee Madaxweynaha JFS, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga hadlay marxalada ay marayso Soomaaliya iyo saameynta Abaaraha daran ee ka jira dalka.

“Dhanbaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku aaddan gurmadka abaaraha ayaan maanta gaarsiiyay Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka, Mudane Xuseen Ibraahim Dhaaha. Xogahaya oo aan kula kulmay xarunta Ururka ee magaalada Jedah ee dalka boqortooyada Sacuudiga ayaan uga waxbixiyey abaarta ba’an ee Soomaaliya ka jirta iyo sida ugu habboon ee ay dalalka Islaamka kaga qayb-qaadan karaan gurmadka abaaraha” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhambaalkan gaarsiiyay Xoghaye Xuseen.


“Waxaan isla meeldhignay tillaabooyin dhowr ah oo lagu dardar gelinayo gurmadka abaaraha. Ururka Islaamka waxaa ku kulansan 57 Dawladood, Soomaaliyana waxay ka mid tahay aasaasayaashii Ururka.”






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada