Laamaha Amniga oo Muqdisho kusoo bandhigay Burcad dhac geysatay

Laamaha Amniga oo Muqdisho kusoo bandhigay Burcad dhac geysatay

daajis.com:- Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgallo ay ka sameeyeen degmooyinka Bari ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa ay kusoo qab qabteen rag Burcad ah oo la sheegay inay dhac u geysteen dad Shacab ah.

Raggan oo gaaraya ilaa 10 Dhalinyaro u badan ayaa lagu soo bandhigay Saldhiga degmada Kaaraan, waxaana Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ay sheegeen in dadka kunool degmooyinka, Kaaraan, Yaaqshiid & Hiliwaa ay ku dhacayeen Mootooyinka Bajaajta oo ay wateen.

Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Cali Calasow Xasan ( Goofjooge) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkan ay ku baadi goobayeen haraadiga rag burcad ah iyo kuwo isticmaala maanka diooriya o dhibaato ku haayay Shacabka.

Wuxuu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen Mootooyin la soo dhacay, balse aan la ogeyn dadkii laga dhacay iyo sidoo kale Agab badan oo ah waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ka qeyb qaata amni darrad kajirta Magaalada muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in laamaha Amniga Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay inay gacanta kusoo dhigaan cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa falalka Amni darro, sida Burcadda dadka dhaca u geysanaya iyo Ciyaal weerada.




Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo kaashanaya kuwa NISA waxaa ay sameeynayeen howlgallo Amniga lagu xaqiijinayay, waxaana lagu qabtay Kooxo Burcad ah oo dhac geysanayay iyo Ciyaal weero.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada