Wasaaradda Duulista Soomaaliya oo Soo Saartay Go’aan Ku Aadan Garoonka Aadan Cadde

Wasaaradda Duulista Soomaaliya oo Soo Saartay Go’aan Ku Aadan Garoonka Aadan Cadde

daajis.com:- wasaaradda duulista hawada xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu joojiyay in la dhisan karo dhulka danta guud, kaas uu leeyahay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, dhulkaan ayaa la sheegay inuu yahay mid ku yaalla gudaha iyo bannaanka Garoonka, kaas oo wasaaraddu sheegtay in ay kasoo gaartay dacwooyin badan.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in ay dhismayaashaas ay garoonka ku keeni garaan amni darro dhanka duulinaadka ah oo diyaaradaha degaya iyo kuwa duulaya ay cariiri ku dareemaan, waxaana qoraalka kasoo baxay wasaaradda lagu dalbaday in gabi ahaan la joojiyo dhismayaasha laga wado gudaha iyo bannaanka garoonka iyo in laga fogeynayo dhismaha Terminal-ka.



Hadalka kasoo baxay wasaaradda duulista hawada xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, iyadoo garoonka gudihiisa iyo bannaankiisa shakhsiyaad gaar ah ay ka wadaan dhismayaal, kuwaas oo wasaaraddu sheegtay in ay yihiin kuwa kusoo dhowaanaya Terminalka oo ay dalbatay in laga fogaado si aysan u dhicin amni darri dhanka duulimaadka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada