Israel: Gaari Bus ah oo la weeraray

Israel: Gaari Bus ah oo la weeraray

daajis.com:- Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay gaari bas ah oo marayay meel u dhow magaalada  Qudus, isagoo dhaawacay sideed Israa’iili ah.

Laba ka mid ah dadka dhaawaca ah oo ay xaaladoodu aad u liidato, oo ay ku jiraan haweenay uur leh oo caloosha ka dhaawacantay iyo nin ay xabbadu kaga dhacday madaxa iyo qoorta, sida ay sheegeen cisbitaallada Israa’iil ayaa lagula tacaalaya isbitaalada Tel Aviv.

Toogashada ayaa dhacday xilli basku uu ku sugnaa goob baabuurta la dhigto oo u dhow darbiga galbeed, taasoo loo arko inay tahay goobta ugu barakeysan ee Yuhuuda ay ku tukadaan.

Booliska Israel ayaa sheegay in goobta loo diray ciidamo si ay baaritaan ugu sameeyaan. Ciidamada amaanka Israel ayaa sidoo kale gudaha u galay xaafada u dhow ee falastiiniyiinta ee Silwan iyaga oo ku raad jooga qofka looga shakisan yahay in uu weerarka geystay.

Weerarkan ka dhacay magaalada Qudus ayaa daba socday todobaad xaalad kacsanaan ah ay ka dhex jirto Israa’iil iyo Falastiiniyiinta Gaza iyo Daanta Galbeed.

Toddobaadkii hore, diyaaradaha Israa’iil waxay duullaan ku qaadeen marinka Qaza oo ay ku bar-tilmaameedsadeen kooxda xagjirka ah ee Islamic Jihad, waxayna bilaabeen saddex maalmood oo dagaal ba’an oo xudduudda ah. Ururka Jihaad Islaami ayaa intii uu socday dagaalkan waxa ay rideen boqollaal gantaal si ay uga aargutaan duqeymahaasi, waxaana ku dhintay laba ka mid ah taliyeyaasha iyo maleeshiyaad kale. Israa’iil ayaa sheegtay in weerarkan uu ahaa mid ay ku doonaysay inay kaga hortagto hanjabaado uga imaanayay kooxda oo ku aaddan inay jawaab ka bixiso xarigga mid ka mid ah saraakiisheeda oo lagu xiray Daanta Galbeed ee la haysto.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada