Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir oo ku dhaawacmay weerarka Hayat Hotel.

Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir oo ku dhaawacmay weerarka Hayat Hotel.

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saraakiil isugu jirta Nabad Sugida iyo Booliska gobolka Banaadir ay ku dhaawacmeen weerarka hoteelka Hayat, halkaasoo wax ka badan saacad ay ku dagaalamayaan Shabaab iyo ciidamadda dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Nabad Sugida gobolka Banaadir Muxudiin Warbac uu dhaawac fudud oo dhinaca Lugta ah uu ka soo gaaray weerarka hoteelka Hayat, waxaana la sheegay iney toogteen dableyda Shabaab ee gudaha hoteelka ka dagaalameyso.

Sidoo kale Mahad Koroow oo ah taliyaha qeybta Waliyow Cadde ayaa isaguna dhaawac fudud oo dhinaca madaxa ah ka soo gaaray, waxaana haleelay firirka gaari ay dableyda uga tageen irirdka hoteelka oo qaraxyo saarnaa, Qeybta Waliyow Cadde waxaa la isku dhahaa degmooyinka Hodan, Waaberi, Howlwadaag iyo Xamar Jajab.

Xaaladda ayaa wali adag, waxaana la maqlayaa rasaas culus iyo qaraxyo, iyadoo ciidamadda dowladda ay isku dayayaan sidii kooxdan loosoo afjari lahaa, walow goobta dhan ay mugdi tahay, maadaama korontadii hoteelka la jaray.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada