Canada: Laba weerar oo mindi loo adeegsaday oo lagu dilay 10 qof

Canada: Laba weerar oo mindi loo adeegsaday oo lagu dilay 10 qof

daajis.com:- Wararka ka imanaya dalka Canada ayaa sheegaya in gobolka Saskatchewan ay ka dhaceen laba weerar oo loo adeegsaday toorray ama mindi, waxaana dhintay illaa 10 qof halka ay ku dhaawacmeen 15 qof oo kale, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay baadigoobayaan laba qof oo loo tuhunsan yahay inay fuliyeen weeraradan.

Rhonda Blackmore, oo ah Kaaliyaha Guddoomiyaha gobolka Saskatchewan, ayaa sheegtay in dhibanayaasha qaarkood ay u muuqdaan inay ahaayeen bartilmaameed si gaara loo beegsaday halka qaarkalena loo weeraray si aan kala sooc lahayn.


Waxay sheegtay inay jiraan 13 goobood oo faldembiyeedkani ka dhacay oo laga helay dadka dhintay ama kuwa dhaawacmay. Eedeysanayaasha ayay ku boorisay inay isa soo dhiibaan.

AP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada