Shirka Wasiirada Maaliyadda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo furmay

Shirka Wasiirada Maaliyadda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo furmay

daajis.com:- Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa furay shirka wasiirada maaliyadda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.

"Maanta waxaan furay shirka maaliyadda ee maamul goboleedyada oo socon doona 2 maalmood, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirada Maaliyadda ee maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa jira wax badan oo ajandahan laga doodi karo. Waxaan diiradda saareynaa inaan si wadajir ah u gaarno dib u habeynta dhaqaalaha si aan ugu faa'ideyno dadka Soomaaliyeed" ayuu wasiirka maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ku yiri farriin qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Wasiirada Maaliyadda dowlad goboleeyada ayaa toddobaadkii hore sheegay inay hakiyeen wadashaqeyntii kala dhexeysay wasaaradda maaliyadda dowladda Federaalka, iyada oo ku eedeeyay wasiirka maaliyadda inuu ka baxday heshiisyo wadashaqeyn ah oo ay la galeen maamulkii isaga ka horreyay.

"Waxaa jiray habraacyo iyo nidaam qoran oo ay ku wadashaqeyn jireen wasaaradaha maaliyadda ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleeyada, waxaana wasiirka cusub ka dareennay inuu baal maray heshiisyadaas" ayuu VOA u sheegay wasiirka maaliyadda Koofut Galbeed Axmed Maxamed Xuseen.


Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Nuur weli kama hadlin eedeymahaas loo jeediyay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada