Dagaal u dhaxeya Al-shabaab iyo dadka deegaanka oo mar kale ka qaraxay gobolka Hiiraan

Dagaal u dhaxeya Al-shabaab iyo dadka deegaanka oo mar kale ka qaraxay gobolka Hiiraan

daajis.com:- Dagaallo u dhaxaya malayshiyaadka Alshabab iyo dadka degaanka ayaa mar kale dib uga qarxay qeybo ka mid ah degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Dagaal culus oo u dhaxeya dadka deganaka iyo malayshiyaadka Alshabab ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay degaanka Ceeleey oo qiyaastii 19km bari ka xigta Maxaas , waxaana ku dhintay ku dhawaad 13 qof oo laba dhinac ah, sida ay VOA ay u sheegeen dadka degaanka.

Abaabul iyo dhiillo colaadeed ayaa wali ka taago degaano badan oo Maxaas hoostaga.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Taliska Ciidamada Militriga iyo kan booliska gobalka Hiiraan ayaa ku sugan inta u dhaxeya degmooyinka Baledweyne, Maxaas iyo Buloburte.

Ciidamada dowlada ayaa maanta la wareegay Tuulada Dabayoodle oo hoostagta degmada Buloburte, halkaas oo Alshabab ay ku leeyahiin bar-kantarool oo canshuuraha ay ku qaadi jireen.

Xiisaddan ayaa timid ka dib markii laba cisho ka hor malayshiyaadka Alshabab ilaa labaatan qof oo shacab ah ay ku dileen degaanka Afar irdood, isla markaana ku gubay sagaal gaari oo siday badeecado kala duwan. Alshabab ayaa dhankooda sheegay in dadka ay dileen ay ahayeen xubno ka mid ah malayshiyaadka Macawisleyda loo yaqaano.


Xiisada ka jirta u dhaxeysa degmooyinka Baledweyne iyo Buloburte ayaa saameyn ku yeelatay gaadiidka xamuulka iyo kuwa qudaarta ee isaga kala gooshi jiray inta u dhaxeysa labadaasi magaalo






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada