Dawladda oo sheegtay inay hawlgallo cusub ku dileen 54 Al-Shabaab ah

Dawladda oo sheegtay inay hawlgallo cusub ku dileen 54 Al-Shabaab ah

daajis.com:- Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal cusub oo ay iska kaashanayaan ciidamada milateriga ee Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman ee hoostaga degmada Buula-burde in lagu dilay in ka badan 45 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkani uu weli socdo, isla markaana ay dawladdu war ka soo saari doonto marka uu soo dhamaado.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada milateriga ee dawladdu inay toogteen sagaal xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab, ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyada oo ay dawladdu sheegtay in raggaasi ay isku dayayeen inay halkaas ku dhuuntaan, si ay isaga abaabulaan.

"Howlgalka deegaanka Warmaxan inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Saddex ka mid ah ciidamada geesiyaasha ah ee Qaranka." ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka dawladda, iyada oo intaas lagu daray "Inta ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaan laga saaray maleeshiyaadka ku dhowaad 30-deegaan oo ay dadka Soomaaliyeed ku gumaadi jireen." ayaa lagu soo gebagebeeyey warsaxaafadeedka.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada