DFS oo war ka soo saartay weerarka Shabaab ay ku dishay 17 qof Shacab ah.

DFS oo war ka soo saartay weerarka Shabaab ay ku dishay 17 qof Shacab ah.

daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay weerar kooxda Al-Shabaab ay ka geysteen deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaasi oo xalay maqribnimadii dhacay waxaa lagu dilay dad 20 ruux gaaraya oo Shacab ah, iyadoo lagu gubay 7 gaari oo raashin iyo agab kale siday, waxeyna dowladda tilmaamtay in weerarkaasi uu muujinayo cadaawada ay kooxdaasi u heyso shacabka

Halkan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay dowladda:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xuntahay weerarka wuxuushnimada ah ee kooxaha Argagixisada ah ku dileen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda ee ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaan waxaa uu muujinayaa cadownimada kooxda nabad-diidka ah ee Al shabaab iyo in aanay dadka Soomaaliyeed u tureen, waxa kale oo uu hoosta ka xariiqayaa xanuunka ka gaaray dagaaladii wadajirka ahaa ee ay la galeen bulshada deegaanka oo kaashanaya dowladooda.

Weerarkani wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ay sii tabar darnaanayeen oo aanay awooddin in ay wajahaan Ciidanka Qaranka.


Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay garab taagan tahay dadka deegaanka ee is abaabulay una taagan iska kor qaadidda kooxahaan cadowga ku ah jiritaanka dadka Soomaaliyeed, waxaana iyada oo kaashanaysa dadka deegaanka ka bixin doontaa jawaab u dhiginta.

Waxaa naga go’an in kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab in waddanka laga ciribtiro, weerarada bahalnimada ah oo ay shacabka u geesanayaan waxa ay ka marqaati kacayaan fikirka iyo hadafka kooxdaan, waxa ayna xoog iyo iskaashi u noqon doonto dadweynaha iyo dowladooda oo u taagan in maleeshiyadaan dalka laga xoreeyo.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada