Dhuumaha gaaska geeya Jarmalka ee Ruushka oo maalintii saddexaad xiran iyo gaas la’aan ka taagan Yurub

Dhuumaha gaaska geeya Jarmalka ee Ruushka oo maalintii saddexaad xiran iyo gaas la’aan ka taagan Yurub

daajis.com:- Shirkadda Tamarta & Gaaska ee Ruushka (Gazprom) ayaa ku dhawaaqday inaanan maanta dib loo furi doonin dhuumaha gaaska geeya dalka Jarmalka, sidii horeyba loo qorsheeyay.

Tani ayay u sababeysay, iyadoo cilad kale oo farsamo ka heshay mid ka mida dhuumaha gaaska ee Nord Stream 1, taasoo macnaheedu yahay inuu gaaska ka sii go’naan doono Jarmalka, illaa muddo aan la garanayn.

Dhuumaha gaaska ka qaado Ruushka ee geeya Jarmalka ayaa xirnaa saddexii maalmood ee la soo dhaafay, waxayna shirkaddu sheegtay inay muddadaasi dayactir wadday.

Gazprom ayaa qorsheyneysay in Sabtidan gaaska dib loogu fasaxo dalkaasi, ha yeeshee ay haatan ku soo korortay cilad kale, oo muddada cilad bixinteeda aan la garanayn, inta ay qaadan doonto.

Qiimaha gaaska ayaa kordhay, ka dib duulaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine, 24-kii bishii February ee sanadkan.

Wadamada Midowga Yurub ayaa isku dayaaya inay xakameeyaan dhaqaalaha Ruushka, si loogu ciqaabo duulaankiisa Ukraine.

Moscow ayaa horey isaga diiday inay gaaska u adeegsaneyso sida hub oo kale, iyadoo markaasi ka jawaabeysa xayiraadaha Reer Galbeedka.

Office Nairobi Kenya






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada