Dowlada Eritrea oo hub iyo ciidan ku diyaarsatay xuduudda Itoobiya

Dowlada Eritrea oo hub iyo ciidan ku diyaarsatay xuduudda Itoobiya

daajis.com:- Sawirada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in isu-urursi ciidan uu bishan ka socday magaalooyinka labada dhinac ee xuduudka woqooyi ee Itoobiya ay la wadaago Eritrea, sida ay sheegtay shirkad madax-bannaan oo Mareykan ah Arbacadii.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warbixintan ayaa sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin sawirada muujinaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo la sheegay inay ka danbeeyeen burburkii xabbad-joojin shan bilood ah oo ka socday gobolka Tigray ee Itoobiya 24-kii Agoosto.

Ciidamada Tigreega ayaa dagaal kula jira ciidamada federaalka Itoobiya iyo xulafadooda oo ay ku jiraan ciidamada Eritrea iyo dagaalyahanno kasoo jeeda gobollada deriska la ah Itoobiya, dagaalkaas oo socday ku dhawaad labo sano.

Sawirrada la helay 26-kii Sebtember ayaa muujinaya ciidamo milateri, gaadiid iyo madaaficda goobta oo ku sugan magaalada Shiraro, oo u dhow xudduudda waqooyi ee Tigray ay la wadaagto Eritrea, sida ay sheegtay Maxar Technologies Inc, oo ururisa ama daabacda sawirka dayax-gacmeedka ee gobolka.

Inta badan isgaarsiintii gobolka Tigray ayaa hawada ka maqneyd in ka badan hal sano.

Ciidamada Tigreega ayaa 13-kii Sebtembar sheegay in ciidamada Eritrea oo ka barbar dagaalamayay askarta Itoobiya ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Shiraro tan iyo markii uu dagaalku soo cusboonaaday balse waxay sheegeen in dib loo jebiyay.


Masuuliyiinta Itoobiya iyo Ereteriya ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan inay ka hadlaan dagaalkii dhawaan dhacay.

Ciidamada Eriteria ayaa taageeray millatariga Itoobiya wajiyadii hore ee dagaalka, laakiin dowladda Eriteria ma aysan xaqiijin ka qeyb galka dagaalka tan iyo markii ay burburtay xabbad-joojinta, balse waxay sheegtay horraantii bishan in qaar ka mid ah ciidamadeeda keydka dib loogu yeeray.

Reuters







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada