Ilwaad Elman iyo Fartuun Aadan oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah

Ilwaad Elman iyo Fartuun Aadan oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah

daajis.com:- Fartuun Aadan iyo Ilwaad Elman, oo ah laba gabar oo Soomaali ah oo u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha, ayaa maanta ku guuleystey abaalmarinta Right Livelihood Award ee Sweden, taasi oo Sweden ay u aragto beddelka abaalmarinta Nobel-ka.

Hay’adda Right Livelihood oo bixisa abaal-marintan ayaa sidoo kale abaal-marisay iyo qareen u dooda xuquuqda aadanaha oo u dhashay dalka Ukraine, ururka Cecosesola ee dalka Venezuela, oo ah urur bixiya adeegyada bulshada, iyo Machadka Afrika ee Maamulka Tamarta.

"Ayado oo ay jiraan fashil ku yimid dowladnimada iyo burburka kala dambeynta - oo ay ku jiraan dagaallo, argagixisanimo, xagjirnimo, barakac ballaaran iyo qalalaase dhaqaale - (kuwii helay abaal-marinta sanadkan) waxay aas-aaseen nidaamyo cusub oo bin'aadannimada ay xudun u tahay,", waxaa sidaas yiri aas-aasaha hay’adda Ole von Uexkull oo war-saxaafadeed soo saaray.

Fartuun Aadan iyo gabadheeda Ilwaad Elman, oo maamula hay’adda Elman Peace, ayaa waxaa lagu abaal-mariyey “sare u qaadidda nabadda, hub ka dhigista iyo xuquuqda aadanaha Soomaaliya, xilli dalka ay ka jiraan argagixisanimo iyo rabshado ku saleysan jinsiga.”

Fartuun iyo Ilwaad ayaa maamula hindisooyin gacan ka gaysta hub ka dhigista iyo dhaqancelinta caruurta hore loo askareeyey iyo sidoo kale dhibbaneyaasha rabshadaha ku saleysan jinsiga.

Waxaa hindisooyinkaas ka mid ah; wax ka qabashada sababaha keena xagjirnimada, waxayna ayada oo sidaas sameyneysa ay hay’adda ay maamulaan fursado siisaa caruurtii hore loo askareeyey iyo kuwa halista ugu jira.


Hanaanka ay Fartuun iyo Ilwaad ku caawiyaan dhallinyarada waxaa ka mid ah; taageero dhanka maskaxda ah, dhaqan-celin, wax barashada tababar xirfadeed iyo shaqo abuur.

“Guusha hanaanka Fartuun iyo Ilwaad waxa ay horseedday in looga daydo dalal kale oo ay dagaalo la mid ah Soomaaliya ka dhaceen, kuwaas oo ku yaalla Galbeedka iyo Bartamaha Afrika,” ayey tiri Hay’adda Right Livelihood.

Fartuun iyo Ilwaad Peace sidoo kalr horey ugu guuleystay abaal-marino kale oo caalami ah.

AFP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada