Laba kamid ah ganacsatada beesha Saleebaan oo lagu dilay Muqdisho iyo Shaki ka dhashay.

Laba kamid ah ganacsatada beesha Saleebaan oo lagu dilay Muqdisho iyo Shaki ka dhashay.

daajis.com:- Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday beegsi ka dhan ah ganacsatada beesha Saleebaan ee Habargidir, xili dagaal ka dhan ah Al-Shabaab uu ka socdo deegaanda beesha ka degto Galmudug.

Ganacsade lagu magacaabi jire Daahir Jugle ayaa saaka lagu dilay goobtiisa shaqo oo ku taala Suuqa Weyn ee degmada wadajir, iyadoo kooxihii dilkaasi ka dambeeyay ay goobta isaga carareen kahor inta aysan laamaha amniga soo gaarin

Toogashada Daahir Jugle ayaa timid maalin kadib markii dhaawac daran oo loogu geystay Suuqa Bakaaraha uu u geeriyooday ganacsade Guuleed Cali Aw-Aadan oo isaguna kamid ahaa ganacsatada Daawada ka shaqeysata.

Labada marxuum oo isku beel ah waxaa dilkooda fulisay dhalinyaro bistoolado ku hubeysan, kuwaasoo lala xiriiriyay kooxda Al-Shabaab, iyadoo shaki badan uu ku geedaaman yahay dilalkaasi.

Si kastaba, ganacsatadaas la dilay ayaa ka soo jeeda magaalada Cadaado oo ay degto beesha Saleebaan oo horey Al-Shabaab ugula dagaalantay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, haatanna isku raadsanaya qeybo kamid ah Galgaduud.

Khunurada amaanka ayaa dilka ganacsatadan la xiriirinaya dagaalkaasi, ayada oo horey kooxda Al-Shabaab u dishay odayaal & dad kale oo ka soo jeeda beeshaas, waxaana tani ay qab ka tahay beegsiga ay Al-Shabaab ku heyo beelaha haatan la diriraya






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada