Maraykanka oo sheegay inuu ka jawaabayo haddii Ruushku uu weerar Nukliyeer ah ku qaado Ukraine

Maraykanka oo sheegay inuu ka jawaabayo haddii Ruushku uu weerar Nukliyeer ah ku qaado Ukraine

daajis.com:- Maraykanka ayaa uga digay Ruushka “Cawaaqib xumada” ka dhalan karta, haddii uu hubka nukliyeerka u isticmaalo dagaalka uu ka wado dalka Ukraine, sidaas waxaa sheegay Jake Sullivan, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden oo Axaddii warbaahinta la hadlay.

Sullivan oo marti ku ahaa barnaamijka bandhigga toddobaadka ee telefiishanka ABC ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanku ay si gaar ah ugu sheegeen dhiggooda Ruushka, in madaxweyne Biden “uu si cad uga jawaabi doono” haddii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu amro weerar nukliyeerka ah, laakiin ma uusan sheegin sida uu Maraykanku uga jawaabi doono.

Jawaabta Maraykanka ayaa timid ka dib markii madaxweyne Putin uu muujiyey suurtagalnimada weerar nukliyeer ah, ka dib markii uu toddobaadkii hore dib ugu yeedhay illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, si ay gacan uga geystaan dagaalka toddobada bilood ka socda dalka Ukraine.

Kordhinta ciidamadan ayaa timid, ka dib markii Ruushku uu dib u dhac kala kulmay furimaha dagaalka, iyada oo ciidamada Kyiv ay dib u qabsadeen dhul ballaadhan oo ku yaalla Woqooyiga Bari ee Ukraine, oo Ruushku uu qabsaday toddobaadyadii hore ee dagaalka.


Debedbaxyo ballaadhan oo looga soo horjeedo baaqa dib ugu yeedhista ciidamada kaydka ah ee Putin ayaa ka dhacay dalka Ruushka, iyada oo boolisku ay xabsiga u taxaabeen boqolaal debedbaxayaal ah oo ku sugnaa caasimadda Ruushka ee Moscow iyo magaalooyin kale oo dalkaas ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada