Wararkii ugu dambeeyay ee dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab

daajis.com:- Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgalladii ugu dambeeyay tuulooyin badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galguduud kala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha dawladda.

Deeggannada cusub ee Al-shabaab lagala wareegay ayaa waxaa ka mid ah Moqokori iyo Tardo, Moora-Eri, Gumarre iyo Qooxle oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, sida ay VOA u sheegeen saraakiisha degaanka, halka gobolka Galguduudna laga qabsaday deegaannada Maygaag-dhuub, Dhisaqo, Dhuumoodle, iyo Cali-weyd iyo Dacawa-xun.

"Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xoreynta deegaanada bariga gobolka Galgaduud ayaa galinkii dambe ee maanta si nabdoon kula wareegay deegaanka labi-dulle oo in ka yar 16km ujira magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lasoo dhigay Twitter-ka ciidanka xoogga dalka.

Waxaa sidoo kale saraakiisha dawladdu sheegeen in Al-Shabaab laga qabsaday degaanka Laba-dulle.

Gobolka Hiiraan wararka ka imanaya waxaa kale oo ay sheegayaan in Gaashaanle Sare Barre Cayrow oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka dawladda uu ku dhintay qarax maanta ka dhacay inta u dhaxaysa degaamada Booco iyo Halgan.


Howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaanno tobannaan ah tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka ka dhanka maleeshiyada Al-shabaab horraantii bishan.

"Dadka Soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin in Al-Shabaab laga adkaan karo" ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri khudbaddii uu Khamiistii ka jeediya shirka 77-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada