Madax goboleedyada oo shir deg deg ah isugu imanayo Muqdisho, kadib fashilka shirkii Maaliyada.

Madax goboleedyada oo shir deg deg ah isugu imanayo Muqdisho, kadib fashilka shirkii Maaliyada.

daajis.com:- Madaxda Shanta maamul goboleed ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho, iyagoo ka qeyb galaya shir ay la yeelanayaan madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo xal loogu raadinayo muran hareeyay dowladda dhexe iyo maamulada.

Shirkan deg dega ah oo aan hore u qorsheysneyn ayaa la doonayaa in xal looga gaaro muranka dhinaca maaliyada ee u dhexeeya dowladda iyo maamulada, taasoo keentay in dhamaan maamul goboleedyada ay xiriirka u jaraan wasaarada Maaliyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan deg deg ah Muqdisho ugu yeeray madaxda, waxaana la filayaa iney caasimadda soo gaaraan kahor Arbacada oo madaxweynaha la filayo inuu u dhoofo Nairobi, si uu uga qeyb galo caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalla Kenya William Rutto.

Lama oga waxa ka soo bixi kara shirkan, iyadoo qodobka ugu adag ee looga doodi doono uu yahay sida loo qeyb sanayo deeqaha lagu helo magaca Soomaali weyn, dowladda ayaa dooneysa iney iyada qaadato 60% deeqdaasi, halka maamul.goboleedyadana ay qeyb sadaan 40%.

Balse maamulada ayaa diidan arrintaasi waxeyna dalbanayaan in qeybsiga uu ahaado sidii ay eheyd dowladdii dhexe oo dowladda dhexe ay qaadan jirtay qeyb, qeybta kalena maamulada, waxaana dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ku eedeeyeen iney wado sad bursi.



Horey qorshuhu waxa uu ahaa in madaxdu ay isugu tegaan Garoowe, balse isbeddel lama filaan ah ayaa ku yimid jadwalkii hore, kadib markii uu khilaafa dhanka maaliyadda ah uu soo kala dhex-galay labada dhinac, kaas oo keenay in maamullada ay xiriirka u jaraan wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka, kadib eedeymo culus oo ay u jeediyeen.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse doodaha miiska saaran ayaa ah kuwa adag, ayadoo maamullada qaarna ay saluug ka muujinayaan hab dhismiskeeda dowladda cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo talada dalka dib u hantay 15-kii May sanadan ayaa la dhamaan la’ khilaaf gudaha iyo dibadda ah, maamul goboleedyada khilasf ayaa kala dhexeeya, dowlada deriska qaarkood buuq ayaa uga furan, Muqdisho waxaa ka jirta xiisad ka dhalatau gudoomiyaha cusub uu soo magacaabay, halka Shabaab ay laba jibaareen weerarada ay ka wadaan dalka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada