Xoghayaha QM oo sheegay in daadadka ku fatahay Pakistan ay yihiin cawaaqibka ka dhashay Isbedelka Cimilada

Xoghayaha QM oo sheegay in daadadka ku fatahay Pakistan ay yihiin cawaaqibka ka dhashay Isbedelka Cimilada

daajis.com:- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqasho ku tegey dalka Pakistan, si uu garab istaag ugu muujiyo dalka Pakistan ee la baaxaa degaya, dhibaatada ka soo gaadhay daadad ku fatahay dalkaas, kuwaas oo khasaare ba’an u geystay.

Antonio Guterres ayaa sheegay ‘in ka dib markii ay aadanuhu u nixi waayeen deegaanka, inay taasi keentay masiibooyinkan oo ah falcelinta uu sameeyey deegaanku’.

Xoghayaha Guud ayaa muddo laba maalmood ah ku sugnaan doona dalka Pakistan si uu u indha-indheeyo xaaladda bini’aadanimo ee halkaas ka jirta. Xoghayaha ayaa sheegay in deegaanka ama daceebaddu ay tahay wax indho la’ oo mararka qaar aan bartilmaameedsan kuwa sida xun ula dagaalama ee ku xadgudba.

“Waxay la mid tahay in deegaankii [la dhibaateeyey] inuu bartilmaameedsaday cid khaldan. Waxay ahayd inuu bartilmaameedsado kuwa sida xun uga faa’iidaysta deegaanka, ee ka masuulka ah isbedelka cimilada, si ay ula kulmaan duruufahan oo kale” ayuu yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha ayaa sheegay in dalka Pakistan uu ka mid yahay meelaha sida daran ay u saameeyeen cawaaqibka ka dhashay isbedelka cimilada.


Dalkan oo ay ku nool yihiin in ka badan 220 million oo qof, ayaa haddana qiiqa uu hawada ku sii daayaa ay tahay 1% marka la barbardhigo qiiqa guud ahaan dalalka caalamku hawada ku sii daayaan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada