Milateriga Nigeria oo sheegay inay dileen 250 xubnood oo ka tirsan kooxaha xagjirka ah

Milateriga Nigeria oo sheegay inay dileen 250 xubnood oo ka tirsan kooxaha xagjirka ah

daajis.com:- Ciidamada Milateriga ee dalka Nigeria ayaa shegay inay dileen in ka badan 250 xubnood oo ka tirsan kooxda Boko Xaaraam iyo kooxda kale ee Dawladda Islaamiga ah ee Galbeedka Afrika ee loosoo gaabiyo ISWAP, ka dib hawlgallo ay ciidamadu wadeen labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Afhayeen u hadlay ciidanka militariga ayaa sheegay in ciidamada dalka Nigeria inay sidoo kale soo furteen saddex hablood oo arday iskuul ah oo laga afduubay Chibok, kuwaas oo dablaydu haysteen, tan iyo sannadkii 2014.

Musa Danmadami oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Nigeria ayaa sheegay in ciidamada milaterigu ay fuliyeen duqaymo dhinaca cirka ah iyo hawlgallo dhulka ah ay fuliyeen intii u dhexeysay bishii August 25-keedii illaa bishan September 8-deedii.

Danmadami ayaa sheegay in ciidamadu ay guulo badan ka gaadheen hawlgallo ay ka sameeyeen degmada Bama ee gobolka Borno 3-dii Sebtembar, ka dib markii weerarada dhinaca cirka ah iyo kuwo ay qaadeen ciidamada dhulku, inay burburiyeen goobaha ay ku dhuumaalaysanayeen Boko Haram iyo Daacish.


Danmadami ayaa sheegay in guud ahaan illaa 556 qof ay isu soo dhiibeen ciidamada, oo ay ku jiraan 15 rag ah oo waaweyn, 189 dumar ah iyo 252 carruur ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada