Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

daajis.com:- Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor oo kaashanayo Ciidanka la magac baxay dib u xureynta degaanka ayaa howgal qorsheysan ka fuliyey dhulka buuraleeyda gobolka Hiiraan, halkaas oo a ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalka waxa ay sigaar ah uga fuliyeen buurta dacaarow oo saldhig weyn ay ku lahayeen Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ciidamada Gorgor ay sheegeen inay howlgalka kudileen lix Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Kumaandooska Gorgor waxaa ay sheegeen inay h owlgalka Al-Shabaab uga soo fureen Afar Baqol oo neef Ari ah oo Afduub ahaan ay u heesteen, kuwaas oo markii hore laga qaaday dad Shacab ah.

Ciidamada Kumaandooska gorgor ayaa weli howgallada kasii wada degaano kuyaalla gobolka Hiiraan, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay la wareegayaan degaannada ay ku sugan yihiin AL-Shabaab.


Degaano badan oo kuyaalla Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda guluf oogan iyo howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo is abaabulay, waxaana ay la wareegeen degaano dhwor ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada