Howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

daajis.com:- Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgoroo kaashanayo Ciidanka la magac baxay dib u xureynta degaanka ay si wadajir u fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay dhulka buuraleeyda gobolka Hiiraan, halkaas oo a ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay buurta dacaarow oo saldhig weyn ay ku lahayeen Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ciidamada Gorgor ay sheegeen inay howlgalka ku dileen lix Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale howlgaka kusoo furtay Afar Baqol oo neef Ari ah oo afduub ahaan ay u heesteen, kuwaas oo markii hore laga qaaday dad Shacab ah.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ballan qaaday inay howlgalada sii wadi doonaan inta ay gobolka Hiiraan ka sifeenayaan kooxda Al-Shabaab oo dhibaato xoog leh u geysatay dadka shacabka ah.


Degaano badan oo ku yaalla Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda guluf oogan iyo howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo is abaabulay, waxaana ay la wareegeen degaano dhowr ah.

Al-Shabaab weli kama aysan hadlin howlgalkaan ay sarakiisha ciidamada dowladda sheegeen inay ku dileen 6 xubnood.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada