Xil ka qaadista gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo durba bilaabatay.

Xil ka qaadista gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo durba bilaabatay.

daajis.com:- Xili todobaadkan gudoomiye cusub loo soo magacaabay gobolka Banaadir ayaa waxaa iyana dhanka kale barbar socota xil ka qaadista gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Degmada Wadajir ayaa noqotay degmadii u horeysay ee isbedelkan uu ka dhacay, waxaana xilka degmadaasi dib loogu celiyay gudoomiye hore oo kamid ahaa kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuid

Bashiir Maxamed Cali oo ahaa gudoomiyaha Wadajir ayaa xilka ku wareejiyay Axmed Cabdulle Afrax, kadib munaasabad ka dhacday xarunta degmada oo ay ka soo qeyb galeen madax ka socotay gobolka Banaadir.

Axmed Cabdulle oo hore xilkan u soo qabtay intii uu gobolka Banaadir maamulayay gudoomiyaha cusub Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa madasha xil wareejinta ka sheegay inuu dar dar galin doono shaqada maamulka degmada, isagoo durba isla xisaabtan ku bilaabay shaqaalaha degmada iyo ciidamadda amniga.

Mr. Afrax ayaa kamid ahaa tiro mas’uuliyiin ah oo raadsatay xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, walow uu madaxweyne Xasan Sheekh siiyay Madaale oo ay mudo dheer soo wada shaqeeyeen, iyadoo Muqdisho ay ka jirto xiisad ka dhalatay mowqifkaas adag uu qaatay madaxweynaha dalka.


Mr. Madaale ayaa maalmaha soo socda xilalka ka qaadi doono dhamaan gudoomiyayaasha gobolka Banaadir, waxaana sida qorshaha yahay xilalkaasi laga wada safi doonaa dhalinyaradii degmooyinka maamuleysay xiligiisii hore, kuwaasoo ay wada shaqeyn jireen mudadii uu maamulka gobolkan dibad jooga ka ahaa.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada