Wararkii u danbeeyay khasaaraha qarax xooggan oo ka dhacay Baraawe.

Wararkii u danbeeyay khasaaraha qarax xooggan oo ka dhacay Baraawe.

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Baraawe oo ka tirsan gobolka Sh.Hoose, isla mar ahaantaasina ah caasimadda rasmiga ah maamulka Koofur Galbeed.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in qaraxa oo ahaa Miino la dhigay goob boosteejo ah oo laga raaco Gaaddiidka aada dhinaca degaanka Kuunya-barow, waxaana xilliga qaraxa uu dhacayay ay aheyd Goobta mid mashquul badan.

Dad goob joogayaal ah oo sheegay in jugta qaraxa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Baraawe uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad shacab ah, kuwaasoo u badnaa dad gaadiid ka raacayay goobta.

Inta la ogyahay qaraxa waxaa ku dhintay hal qof. Todobo kalena waa dhaawac. Sadax dhaawaca ka mid ah ayaa aad u daran. Waxaana la dhigay isbitaalka magaalada.

Ciidamadda amniga oo tagay halka qaraxa uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaritaana ah, iyagoo goobta ka qaaday dadka dhaawcayada uu soo gaaray, kuwaasoo loola cararay xarumaha caafimaadka.


Majirto wali wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha caafimaadka, lamana oga waxa uu ahaa bartilmaameedka weerarkan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada