Xaakin Maraykan ah oo ogolaaday in 'Khabiir' gaar ahi uu dib u eego xogtii ay FBI-du ka soo ururisay guriga Trump

Xaakin Maraykan ah oo ogolaaday in 'Khabiir' gaar ahi uu dib u eego xogtii ay FBI-du ka soo ururisay guriga Trump

daajis.com:-  Garsoore heer Federaal ah oo Maraykan ah ayaa Isniintii maanta ahayd, wuxuu ogolaaday codsi uu soo gudbiyey madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, kaas oo la xidhiidhay in la magcaabo khabiir si khaas ah u eega waraaqihii iyo macluumaadkii kale ee ay hay’adda FBI-du ka soo qaaday gurigiisa, xilligii ay baadhista ku sameeyeen iyo in si ku meel gaadh ah loo hakiyo 'in baadhis loo isticmaalo' macluumaadka la soo ururiyey.

Go’aankan maxkamadda oo guul sharci u noqonaya madaxweynihii hore ee Trump, ayaa waxaa soo saaray garsoore Aileen Cannon, iyadoo ogolaatay in khabiir sharci uu dib u eegis ku sameeyo diiwaanada iyo macluumaadka ay hay’adda FBI ka soo qaadday guriga madaxweynihii hore ee Trump bishii August 8-deedii.

Amarkan ayaa soo baxay, xilli ay hore u sheegtay inaan loo baahnayn in la magcaabo khabiir si gaar ah u eega waraaqaha iyo macluumaadka ay ka soo qaadeen guriga madaxweynaha hore.

Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay dib u eegi doonto go’aanka maxkamadda si ay uga go'aan gaadhaan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, hase ahaatee may sheegin inay racfaan ka qaadanayaan iyo in kale.


Amarkan ka soo baxay maxkamadda ayaa hoos u dhigaya baadhitaankii ay wadday Waaxda Cadaaladda ee ku saabsanaa, habka loo kaydiyey waraaqo Sir Qaran ah oo lagu hayey guriga madaxweynihii hore, maadaama xaakinku uu haatan sheegay inaan diiwanada iyo macluumaadka laga soo ururiyey guriga madaxweynaha hore aan loo isticmaali karin baadhista socota, illaa khabiirka sharci ee la magcaabayo uu shaqadiisa ka dhamaysanayo ama inta amar kale oo maxkamadeed ka soo baxayo.

AP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada