Ciidamadda Dowladda oo soo baneeyay Moqokori iyo Yasooman iyo cabsi soo wajahday Shacabka.

Ciidamadda Dowladda oo soo baneeyay Moqokori iyo Yasooman iyo cabsi soo wajahday Shacabka.

daajis.com:- Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamadda Dowladda ay soo baneeyeen Deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee Gobalka Hiiraan, halkaasoo dhawaan lagala wareegay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamadda deegaanadaasi baneeyay ay saldhigteen degmooyinka Buula-barde iyo Maxaas, iyadoo cabsi xooggan ay soo wajahday shacabkii hore u soo dhaweeyay ciidamadan.

Sida wararku sheegayaan, waxaa jira khilaaf u dhexeeya hoggaanada kala duwan ee ciidamadda howlgaaldan wada, taasoo loo aaneenayo iney sabab u tahay ka bixitaanka ciidanka ee Yasooman iyo Moqokori oo mudo dheer saldhig u ahaa Al-Shabaab.

Waxaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday dadaalo uu hormuud u ahaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu ku doonayay inuu ciidamadda ugu qanciyo iney deeganadaasi joogaan, wixii tabasha ah ay qabaanna la xalin doono, walow ay soo dhamaatay mudadii ay saraakiisha ciidamadda u qabteen Cali Jeyte, soona dadajisay go’aanka ka soo bixitaanka goobahaasi.


Arrintan ayaa dhabar jab ku noqoneysa howlgaaldii ka dhanka ahaa Shabaab, waxaana wal wal la soo darsay dadka shacabka ah ee looga tagay deegaanada ay ciidamadda isaga bexeen, xili hore ay hubka u qaateen iyagoo muujiyay colaada ay u qabaan Shabaab.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada