Wasiir Fiqi iyo Jen. Odowaa oo ka wada hadlay qorshaha deegaanada la xoreeyay.

Wasiir Fiqi iyo Jen. Odowaa oo ka wada hadlay qorshaha deegaanada la xoreeyay.

daajis.com:- Kulanka ayaa xoogga lagu saaray dadaallada dib u xorreynta ee Soomaaliya ka socda, ka jawaabista abaaraha, u gargaaridda deegaannada la xoreeyey, baahinta maamullada iyo adeegyada bulsho, xasillinta guud ahaan iyo arrimo kale.

Ugu horreyntii, taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa hordhigay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Fiqi howlgallada dib u xorreynta ee socda, baahiyada ay ku arkeen deegaannada la xoreeyey, aragtidooda la xiriirta sida dadkaasi loo caawin karo iyo xasillinta isaga oo soo qaatay qorshaha ciidanka xoogga dalka ee ku aaddan u gargaaridda deegaannada kala duwan ee ku yaalla Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Abaarta, taliye Odowaa waxaa uu sheegay in ay diyaariyeen ciidan, gaadiid iyo dhammaan tashiilaadka kale ee dadka iyo deegaannada looga hor wareejinayo dhibka argigixisada, laguna gaarsiinayo gargaar iyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin isaga oo wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ka dalbaday in ceelal biyo, raashiin, dawo iyo adeegyo kale loogu diyaargaroobo deegaannada ay halis ku hayaan argigixisada iyaguna ka xoogga dalka ahaan ay dammaanad qaadi doonaan gaarsiinta iyo qeybinta.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ugu horreyntii ciidamada xoogga dalka ku ammaanay howlgalka dib u xorreynta dalka ee ka dhanka ah Alshabaab, guulaha ay gaareen, isaga oo adkeeyey garab istaagga wasaaradda iyo guud ahaan hey’adaha dowladda. Wasiirka waxaa uu ku dheeraday qorshaha wasaaradda ee la xiriira arrimaha gargaarka, xasillinta iyo ka jawaabista dhammaan baahiyada adeeg ee heysta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada uu howgalka ka socdo iyo kuwa dhimman.

Wasiir Axmed Fiqi waxaa uu taliyaha iyo kooxdiisa hordhigay xogtiisa la xiriirta dhibaatada ka jirta deegaannada kala duwan, qorshaha ay wasaaradda iyo hey’adaha caalamiga ah ugu talogaleen caawinta dadka iyo deegaannada isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in la isku dhex wado dagaalka Xorreynta iyo u gargaaridda shacabka Soomalaiyeed.


Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa uu kulanka ka sheegay in wasaaradda oo kaashaneysa hey’adaha gargaarka ay meeleeyeen, isla markaana ay diyaariyeen qodista ceelal biyood, raashiin qeybin degdeg ah, sameynta, iskuullo, isbitaallo cusub oo leh dhakhaatiir iyo dawo iyo baahiyada kale ee ka jirta deegaannada ay argigisada ka baxeen ama ay weli joogaan.

Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa dhisay guddi si wadajir ah uga shaqeeya isku xirka howlaha socda.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada