Ciidamadda Itoobiya iyo kuwa Eritrea oo magaalooyin hor leh ka qabsaday Tigray.

Ciidamadda Itoobiya iyo kuwa Eritrea oo magaalooyin hor leh ka qabsaday Tigray.

daajis.com:-  Ciidamada Itoobiya ayaa qabsaday saddex magaalo oo ka tirsan gobolka waqooyi ee Tigray, sida ay dowladdu sheegatay, waxaana laba ka mid ah magaalooyinkaas ay u dhow yihiin koofurta magaalada caasimadda Tigray ee Mekelle.

Ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda oo ay ku jiraan ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ayaa dagaal goos-goos ah kula jiray ciidamada Tigrayga muddo labo sano ah, waxaana colaaddaas galaaftay kumanaan qof, malaayiin qofna ay ku barakiciyeen, halka boqolaal kun oo kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.

“Ciidanka ENDF (Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya) waxay la wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Shire, Alamata, iyo Korem iyadoo aan dagaal ka dhicin,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya.

Colaada Tigreega ayaa salka ku haysa loolan dheer oo u dhexeeya kooxaha awoodda ku leh gobolka, kaas oo ku saabsan cidda la wareegeysa talada Itoobiya, iyo sidoo kale ismaandhaaf hoose oo salka ku haya sidii la isugu dheeli tiri lahaa awoodaha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.


Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dhowr sarkaal oo Maraykan ah, Madaxda dowladda ayaa dhamaantood ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah, in la bilaabo wadahadallo ay garwadeen ka yihiin Midowga Afrika iyo in ciidamada Eritrea laga saaro Itoobiya






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada