Ciidanka gaaray Sh/Dhexe oo ku dhowaaday deegaan muhiim u ah Al-Shabaab

Ciidanka gaaray Sh/Dhexe oo ku dhowaaday deegaan muhiim u ah Al-Shabaab

daajis.com:- Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa gaaray deegaanka Geel-gub oo kaabiga ku haya halka loo yaqaano Masjidka Cali Gaduud ee gobolka Shabeellada dhexe.

Sida lagu baahiyey warbaahinta Dowladda Ciidanka hada gaaray Deegankan Geel-gub ayaa ah ciidan ka baxay magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka kooxda Al-shabaab.

Ciidamada iyo sarakiishii hoggamineysay ayaa sheegay in si nabad ay ku galeen deegaankaas haddana ay ciidanku howlgallo ka wadaan, lamana sheegin wax dagaal ah oo ka dhacay.

Qabsashada ciidamada dowladda ee deegaanka ayaa kusoo aadeysa iyadoo kooxda Al-Shabaab ay shalay goobta Masjidka Cali Gaduud ee gobolka Shabeellada Dhaxe kusoo bandhigeen dad shacab ah oo hubeysan, kuwaas oo ay ku sheegeen inay la dagaalami doonaan ciidamada dowladda.

Dadkaasi ayaa xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeysaa in la qasbay looguna hanjabay dil si ay Shabaabka ugu muujiyaan in shacabka deegaanka ay kasoo horjeedaan ciidamada dowladda. 

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka iyo gaadiid dagaal oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa kusii qulqulaya degmada Cadale ee gobolkaasi, halkaasi oo noqon doonta xarunta laga hayo duulaanka Al-Shabaab looga xoreynayo Shabeellaha Dhexe.

Gulufkaan qayb ka ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sida Cismaan Xaadoole, Maxamed Cajiib iyo Maxamuud Abuukaate.


Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay abaabulka ka socdo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in howlgalkooda uu ku wajahan yahay deegaanka Masaajidka Cali Gaduud, halkaas oo ay haatan ku sugan yihiin xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa dhankooda wacad ku maray in aysan ka soo laaban doonin deegaanada ay qabsadaan illaa ay ka gaarayaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay saldhigyo iyo goobo caafimaad ku leeyihiin xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib kulan ay Beesha Mudulood ku yeelatay Muqdisho, kaas oo ay uga dhowaaqday duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka bilaabanayo deegaanada beesha ee ay haatan ku sugan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada