Meydad horleh oo laga soo saaray goobaha ay ka dhaceen qaraxyadii Zoobe

Meydad horleh oo laga soo saaray goobaha ay ka dhaceen qaraxyadii Zoobe

daajis.com:- Waxaa weli xaalad cakiran ay ka taagan tahay agagaarka isgoyska Zoobe oo ay shalay ka dhaceen weeraro loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey qaraxyo, waxaana xiran waddada, halkaas oo ay joogaan ciidamo dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in meydad horleh maanta laga soo saaray dhismihii ku burburay goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen ee xarunta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Dadweyne kala duwan ayaa buux dhaafiyey aaga Zoobe, kuwaas oo baadi goobaya meydadka dad ehelladooda ah oo lagu waayey qaraxyadii ka dhacay halkaasi.

Tirada dhimashada ayaa sidoo kale aad u korortay, waxayna kor u dhaaftay illaa 100 qof, halka dhaawacana uu gaarayo 300 oo kale oo u badan dad rayid ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintan ku dhawaaqay kadib markii uu booqday goobtii uu weerarku ka dhacay, waxaana uu ka codsaday beesha caalamka inay u soo diraan dhaqaatiir iyo agab caafimaad si ay ula tacaalaan dhaawacyada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku booriyey shacabka in ay tagaan isbitaalada oo ay dhiig ugu deeqaan dadkii ku dhaawacmay weerararadan.


Si kastaba, weerkam ayaa saameyn ku reebay caasimada oo si weyn looga dareemay kadib markii ay qaraxyo xoogan ay gilgileen agagaarka isgoska Zoobe ee magaalada Muqdisho.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada