Adeera oo 30 sano kadib la kulmay gabadhii uu jeclkeeda u waashay ee Carfoon

Adeera oo 30 sano kadib la kulmay gabadhii uu jeclkeeda u waashay ee Carfoon

daajis.com:- Maxamed Nuur Aadan oo loo yaqaano (Adeera), isla-markaana muddo 30 sano ah u waalnaa jaceyl uu u qaaday gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Carfoon ayaa sanado kadib la kulmay gabadhii uu dhibaatadaasi u soo maray.

Qisadan oo ka dhacday Kismaayo ayaa si aad ah u baahday, waxayna qabsatay baraha bulshada, kadib markii uu soo bandhigay Wariye Iidle Aadan Maxamed.

Kulankan xiisaha leh ee lamaanahan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho oo labaduba ku ballameen, iyaga oo ka kala yimid meelo kala duwan oo fog-fog si ay isku arkaan.

Carfoon oo ah gabadha uu jeceylka daran u qaaday Adeera ayaa ka sheekeysay, sida ay ku bilaabatay qisadooda, waxayna sheegtay in dhibane Maxamed uu xilligaas ahaa qoosaar ama ari raac, isla-markaana uu mar dambe soo aaday Xamar, si uu uga shaqeysto, balse waxaaay sheegtay inuu calafka kala geeyey, isla-markaana ay iyadu guursatay nin kale.

“Ninkaan waan is jecleyn, waan rabnay inaan arrinteena dhammeysano, hase’ahaatee waxaan calaf aheyn lama cuno waxaan wad aheyna looma dhinto,”ayey tiri Carfoon.

Sidoo kale waxa ay sharraxaad ka bixisay sababihii ay isku waayeen ama keenay inuu burburo xiriirkooda, waxayna shaacisay in iyada oo joogto deegaankii ay isku barteen oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose loo sheegay in Adeera uu gabar kale ku guursaday Xamar.

“Nin-baa ii yimid oo igu yiri ninkii qoys-buu Xamar ku dhistay waan aamini waayey marka aan ayaan aamusnaa, hadda naag ninkii ay sugeysay la yiri nin-buu guursaday wixii qaban lahaa ayaa i qabtay, waa iska xanaaqday nin kale ayaan iska guursaday,” ayey sii raacisay.

Dhanka kale Carfoon oo soo martay afar guur ayaa sheegtay inay hadda xaas, balse aysan weli helin wax ubad ah, waxayna cafis ka dalbatay Maxamed Nuur Aadan (Adeera).


“Waalkey waxaan ka rabaa oo aan ka codsanayaa oo aan ka baryayaa inuu iska key cafiyo oo cafis ii fidiyo,” ayey markale tiri.

Ugu dambeyn waxaa hadalka qaaday Adeera oo sheegay inuu dhibaato badan u maray Carfoon darteed, balse uu hadda cafiyey islamarkaana uu ku faraxsan yahay la kulankeeda.

“Carfoon Jabrey inaan is aragno waan ku faraxsanahay aniga dartaa dhib badan ayaan soo maray, haddana waan fiicnaaday Alxamdulilaah, waana ku cafiyey” ayuu yiri Adeera.

Adeera oo hadda la daaweeyey, islamarkaana dareemaya soo kabasho ayaa qorshihiisu wuxuu yahay inuu sanadka cusub ee nagu soo aadan 2023-ka la aqal galo gabar ay xigto yihiin, wuxuuna garab istaag iyo caawimaad ka dalbatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada