Madaxweyne Xasan oo booqday degaanka Nuur-dugle

Madaxweyne Xasan oo booqday degaanka Nuur-dugle

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday degaanka Nuur-dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka saareen Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa socdaalkan ku macneeyey inuu qeyb ka yahay dardargelinaya dagaalka “lagu ciribtirayo argagixisada” A-Shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka ku nool HirShabelle, gaar ahaan Nuur-dugle iyo deegaanada ku xeeran ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, waxa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan halgankooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in aan la aqbali karin in wiil ama gabar Soomaaliyeed ay ku dhintaan dagaal aan aheyn kan Al-Shabaab, ayada oo gobolka ay toddobaadyadii tegay ka jireen dagaal beeleedyo.


“Soomaaliya maanta waxa ay leedahay hal cadaw, cadawgaasna waa Alshabaab, argagixisadu door kuma lahan dalkeenna, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in wadankaan laga ciribtiro Alshabaab, qofkasta oo Soomaali ah waxaa saaran masuuliyad in uu kaalintiisa ka qaato dagaalka aan kula jirno cadawga,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in dowaladdu ay sii wadi doonto dagaalka inta Al-Shabaab ay ku harsan tahay meel ka mid ah dhulka Soomaaliya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada