Al-Shabaab oo lacag madax furasho ah kusii deysay 4 qof oo Kenyan ah.

Al-Shabaab oo lacag madax furasho ah kusii deysay 4 qof oo Kenyan ah.

daajis.com:- Kooxda Al-Shabaab ayaa sii deysay 4 qof oo Kenyan ah oo ay kasoo afduubteen talaadadii deegaanka Ceel-waaq ee u dhow xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka ay sii deysay kooxdan oo kala ah labo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, darawal iyo qof bukaan ah ayaa eheladooda la midoobay kadib markii la sii daayay Khamiistii, iyagoo gacanta kooxda Shabaab ku jiray laba maalin.

Warbaahinta Kenya ayaa qoreysa in Odayaasha deegaanka ay wada xaajood la fureen Al-Shabaab, taasoo keentay iney qaataan lacag madax furasho ah oo aan cadadeeda la sheegin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa iska diiday iney dib u celiso Ambalaasta ay wateen dhaqaatiirta iyo bukaanka la sii daayay, iyadoo kooxda u muuqato iney dooneyso iney adeeg caafimaad ahaan u isticmaasho.

Si kastaba, Alshabaab ayaa dhowr jeer horey weeraro ula beegsatay shaqaalaha ammaanka, iskuulada, gaadiidka magaalooyinka iyo shirkadaha isgaarsiinta ee waqooyi bari iyo bari Kenya







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada