Al Shabaab oo Qiraday in dagaalyahanno looga dilay dagaalkii Ceelhareeri ka dhacday ee gobolka Hiiraan

Al Shabaab oo Qiraday in dagaalyahanno looga dilay dagaalkii Ceelhareeri ka dhacday ee gobolka Hiiraan

daajis.com:- Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiirka warfaafinta Al Shabaab ayaa lagu faah faahiyay dagaallo iyo duqeymo culus oo shaly ka dhacay deegaan katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Warka kasoo baxay Al Shabaab waxaa lagu xaqiijiyay in dagaalladii deegaanka Ceelhareeri DF-ka iyo maamulka Hirshabelle looga dilay 36 askari.

Warsaxaafadeedka Al Shabaab ayaa lagu yiri "ciidamada Mujaahidiintu waxay shalay oo Khamiis ah 09 Rabiicu Thani 1444H dagaal la galeen maleeshiyada ridada ah oo dhaqdhaqaaq ka waday deegaanka Tardo ee Wilaayada Hiiraan. Dagaal socday muddo saacado ah ayaa Allaah fadligiis cadawga waxaa looga dilay 36 kamid ah maleeshiyadii duullaanka ku ahayd Shareecada Islaamka, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil muhiim u ahayd cadawga. Dagaalka waxaa gelinkii dambe kusoo biiray ciidamada Saliibiyiinta Maraykanka kuwaas oo usoo gurmaday saaxiibadooda murtadiinta ah"

Duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen goobta dagaalka ayaa lagu dilay dhowr dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab sida lagu xaqiijiyay bayaanka kasoo baxay xafiiska warfaafinta.

"Duqayn ay geysteen diyaaradaha Maraykanka waxaa ku shahiiday sideed kamid ah ciidamada Mujaahidiinta. Waxaan Allaah u waydiinaynaa inuu Shahaadadooda ka aqbalo" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada