Al-Shabaab oo soo saartay bayaan lama filaan ah oo ay ku qiratay jab soo gaaray

Al-Shabaab oo soo saartay bayaan lama filaan ah oo ay ku qiratay jab soo gaaray

daajis.com:- Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay si lama filaan ah ugu qiraty in maleeshiyo looga dilay duqeyn Khamiistii ka dhacday deegaan ka mid ah gobolka Hiiraan.

Bayaanka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay gelinkii dambe ee Khamiistii kusoo biireen dagaal saacado badan socday oo kooxda iyo ciidamada dowladda federaalka ku dhex-maray deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

“Duqayn ay geysteen diyaaradaha Maraykanka waxaa ku shahiiday sideed kamid ah ciidamada Mujaahidiinta. Waxaan Allaah u waydiinaynaa inuu Shahaadadooda ka aqbalo,” ayaa lagu yiri bayaanka kooxda Al-Shabaab. 

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay in dagaalka ka dhacay deegaanka Tardo ay ku dileen 36 ka mid ah ciidamada dowladda, halka sidoo kalena ay 23 ku dileen dagaal kale oo ka dhacay deegaanka Twofiiq ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida bayaanka lagu yiri.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa shacabka ugu baaqday inay ka dheeraadaan saldhigyada, xarumaha iyo xafiisyada dowladda, taasi oo loo arko hanjabaad ah inay qorsheynayaan weeraro kale.

Kooxdan ayaa laba qarax baabuur oo ka dhacay Zoobe ee Muqdisho 29-kii October, waxay ku dileen 120 qof oo shacab ah, halka in ka badan 300 oo kale ay dhaawacmeen. 

Bayaanka ay Al-Shabaab xalay soo saareen ayaa ah qirasho naadir ah oo kooxda ay ku sheegatay in maleeshiyo looga dilay duqeymaha Mareykanka, oo inta badan ay sheegi jirtay in lagu dilo shacab. 


Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska ee Danab G/le Axmed Cabdulaahi Beeryare ayaa shalay warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in dagaal ay barbar socdeen duqeymo dhinaca cirka ah oo ka dhacay Hiiraan lagu dilay 200 oo Al-Shabaab ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada