Dimoqraadiga oo awood lama filaan ah ka muujiyey doorashooyinkii Mareykanka

Dimoqraadiga oo awood lama filaan ah ka muujiyey doorashooyinkii Mareykanka

daajis.com:- Maamulka Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaan weli kala caddeyn saaka oo Arbaco ah, ayada oo Dimoqraadiga ay muujiyeen awood aan la fileyn kadib markii ay Jamhuuriyiinta kaga adkaadeen tartano dhowr ah oo aad la isugu dhowaa.

Awoodda Dimoqraadiga ayaa meesha ka saartay cabsidii laga qabay in sicir-bararka sare ee dalka ka jira iyo heerka hoose ee ansixinta shacabka ee shaqada madaxweyne Joe Biden ay la degi doonaan xisbiga.

Warkii ugu wanaagsanaa ee Dimoqraadiga usoo yeeray ayaa ahaa in John Fetterman uu ku guuleystay kursi Senate oo horey ay ugu fadhiyeen Jamhuuriga, kaasi oo muhiim u ah rajada xisbiga ee ah inuu sii haysto maamulka Aqalka Senate-ka.

Waxaan weli caddeyn cidda ku guuleysan doonta kuraasta Senate-ka ee gobollada Wisconsin, Nevada, Georgia iyo Arizona kuwaas oo go’aamin kara cidda heli doonta aqalabiyadda.

Aqalka Wakiilada-na, Dimoqraadiga ayaa ceshtay kuraasta degmooyin kasoo billowda Virginia illaa Kansas illaa Rhode Island, halka kuwa ka mid ah gobollada New York iyo California aan weli la go’aamin natiijadooda.

Dimoqraadiga ayaa sidoo kale ku guuleystay kuraasta barasaabka ee gobollada Wisconsin, Michigan iyo Pennsylvania – oo ah gobollo aad loogu loolamo kuwaas oo muhiim u ahaa guushii uu madaxweyne Biden ka gaaray Donald Trump 2020.

Hase yeeshee Jamhuuriyiinta ayaa ilaashaday kuraasta barasaabka ee gobollada Florida, Texas iyo Georgia.


Ayada oo weli codadka la tirinayo, Jamhuuriyiinta ayaa weli haysta fursad ay ugu guuleystaan maamulka Congress-ka. Hase yeeshee natiijooyinka illaa hadda soo baxay ayaa sare u qaaday rajadii Dimoqraadiga oo filayey guuldarrooyinka xooggan.

Kevin McCarthy oo noqon doona afhayeenka Aqalka Wakiilada, haddii ay Jamhuuriyiinta helaan aqlabiyadda, ayaa niyad wanaag ka muujiyey in GOP ay la wareegi doonaan maamulka.

“Marka aad soo kacdaan berri subax, innaga ayaa haysan doonna aqlabiyadda,” ayuu yiri Kevin McCarthy.

Afhayeenka iminka ee Aqalka Wakiilada, Nancy Pelosi oo Dimoqraadi ah ayaa iyana tiri “Inkasta oo tartano badan aad la isugu dhow yahay, haddana waxaa cad in xubnaha Aqalka ee Dimoqraadiga ah iyo musharaxiinta cusub ay aad u dhaafeen rajadii laga qabay dalka oo dhan.

AP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada